Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:24
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Jul 27 2008
Xasan Daahir Awey oo Dagaal Iclaamiyey
Written by Ali Moallim   
Sunday, 27 July 2008

Sheekh Aweys Asmara,(insidesomalia.org)- Shiikh Xasan Daahir Aweys oo isagoo ku suga magaalada Asmar ee dalka Eritrea qadka taleefoonka ugu waramayay idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu uga digay xoogaga Muqaawamada in aan ku sirmin heshiikii Dalka Jabuuti, waxaana uu ku tilmaamay in lagu doonayo heshiikaasi in lagu hagar daaciyo hanaanka ay ku socdaan xoogaga  Muqaawamada ee ka jira gudaha Dalka Soomaaliya.

 

Shiikha ayaa waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ku sii adkaadaan dagaalada ay kula jiraan wax uu ugu yeeray gumeeysiga dalka ku soo duulay.

 

Sidoo kale Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu si aad ah uu u canbaareeyay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arimha Soomaaliya Ahmed Walad Abdala waxaana uu ku eedeeyay in uu xirir hoose lal leeyahay Dowladda Itoobiya isla markaana uu doonayo in uu kala jabiyo oo uu kala qeeybiyo awooda muqaawamada ee ka jirta dalka Soomaaliya.

 

“Waa la yaqaan Ninkaasi waxaa uu xirir toos ah la leeyahay dowlada Itoobiya marka waxaan xoogaga Mujaahidiinta uga digayaa in aan ku kadsoomin howlaha uu wado iyo heshiika dalka Jabuut” ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

 

Xasan Daahir Aweys oo garabka isbeheeysiga dib u xoreeynta ee ku sugan magaalada Asmar ay u aqoonsadeen in uu hogaamiyo ayaa si weyn u dhaleeceeyay hadalka ka soo yeeray sheikh Shariif Shiikh Axmed oo ahaa eedeeyn uu u jeediyay dowlada Eritrea oo uu ku sheegay in ay kala dhantaaleeyso shacbka Soomaaliya isla markaana ay dooneeyso in dhiiga ummada Soomaaliyeed uu sii daato.

 

Shiikha ayaa waxaa uu hadalkaasi ku tilmaamay in uu yahay meel ka dhac loo geeysanayo dadaaladii ay u gashay dowlada Eritrea howlaha dib u xoreynta, waxaana uu sheegay in taasi ay cadeeyneeso in ummada Soomaaliya ay yihiin kuwo abaal dhacyaal ah sida looga bartay.

 

Waxaana uu sidoo kale sheikha uu ku tilmaamay Dowlada Eritrea in ay tahay mid wax weyn u gashay Isbeheeysiga Dib u xoreeynta Dalka Soomaaliya isla markaan ay gacan u fidisay xil ay aduunka oo dhan la dagaalameen isla markaana ay irdaha ka xirteen sida uu sheegay.

 

Hadalka sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay soconayaa dadaalo lagu doonayo In lagu meel mariyo heshiikii dalka Jabuuti waloow uusan jirin hal qodob oo filci ahaan u dhaqan galay.

 

 

 

 

 

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >